Shariif Xasan oo difaacay dastuurka

Gudoomiyaha barlamankii awoodiisa uu la wareegay
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in laga badbadiyay qaladaadka
dastuurka oo uu sheegay in uu yahay mid wanaagsan.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Gudoomiyaha garab
ka mid ah barlamanka ayaa waxa waxa uu meesha ka saaray wararka
sheegaya in dastuurka la sameynayo ay ku jiraa qodobo qaldan
oo uu yahay midkii loo baahnaa, isaga oo u jeediyay Odayaasha
in ay soo xulaan Ergada oo sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku ansixiyaan
dastuurka.
Gudoomiyaha isaga iyo barlamankiisa Awooda lagala
wareegay ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Umada Soomaaliyeed
ay hada ku hamineyso ka gudbida KMG, waxaana uu cid waliba uu
ugu baaqay in ay gacan ka gaysato sidii loo heli lahaa dowlad
rasmi ah oo ka hana qaada dalka.
Marka laga tago hadalka Shariif Xasan ayaa hadana
dad badan oo ay ka mid yihiin aqoonyahanada iyo Culumada waxa
ay aamin san yihiin in dastuurka uu yahay mid lasoo dhoodhoobay
oo ay ku jiraan qaladaad badan oo aan wax maslaxa ah ugu jirin
Umada Soomaaliyeed.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com