Shiinaha
oo Safaaradiisa ka furanaya Soomaaliya
Wasaaradda arrimaha dibadda shiinaha ayaa waxa ay sheegtay
in ay dib u furanayso Safaaradii ay ku lahayd Soomaaliya hadii
amaanka uu kasii wanaagsanaado sida uu hada yahay oo rajo
badan soo gashay Soomaaliya sida laga soo xigtay Safaaradda
Soomaaliya ee dalkaasi.
Qunsulka Soomaaliya ee Shiinaha Cawaale Cali ayaa waxa uu
sheegay in Shiinaha ay kala hadleen sidii ay dib ugu furi
lahaayeen Safaaradooda iyagana ay ku haminayaan arintaasi
balse waxa uu sheegay in uu ka dambeeyo dowladda walaac dhinaca
amaanka ah oo ay ka qabto dalka.
Dowladda ayaa waxa ay sidoo kale sheegtay inay taageersan
tahay isbadalka ka dhacay dalka islamarkaana ay xoojin doonto
taageeridii ay u fidin jirtay dalka Soomaaliya oo ay sheegtay
in aysan ka maarmin.
Dowlado badan oo Caalamka ka tirsan ayaa Safaaradahooda ka
furanaya Soomaaliya gaar ahaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho
tan iyo markii isbadalka dhinaca amaanka ah laga dareemay
magaalada.