Shil sababay dhimashada
dad badan oo ka dhacay Nugaal
Ku dhawaad 10 ruux ayaa ku geeriyootay Shil gaari
oo ka dhacay deegaan hoostaga gobolka Nugaal kadib markii uu
shil galay gaari ay la socdeen dadkaasi.
Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa
sheegaya in maanta gaari Xamuul ah uu ku rogmaday Tuulo lagu
magacaabo Xaaji qeyr oo hoostagta deegaanka Dan-Goronyo oo hoostaga
gobolka Nugaal.
Gaariga oo ka yimid magaalada Boosaaso kuna sii jeeday magaalada
Gaalkacyo ayaa waxaa lasoo warinayaa inay ku dhinteen 6 ruux
7 kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa rakaabkii gaariga
saarnaa.
C/qaadir Saciid C/raxmaan oo ah Duqa magaalada Garoowe ayaa
u sheegay Warlalis in dadka ku dhaawacmay shilka gaari ay gurmad
u fidiyeen hadana ay geeyeen Isbital ku yaalla magaalada oo
xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.
Shilkaani ayaa waxa uu qeyb ka yahay shilal gaari oo horay uga
dhacay deegaano hoostaga Nugaal, iyadoo Maamulka Puntland uu
goor sii horaysay ka digay in wadayaasha gaadiidka ay si xowli
ah u wadaaan gaadiidka.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com