Shirka
Ergada ansixinta oo mar kale dib u dhacay
Shirka Ergada ansixinta dastuurka oo maanta furmi lahaa ayaa
mar kale
dib u dhacay sida ay shaacisay dowladda.
Wasiirka Wasaaradda dastuurka Xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan
Xoosh Jabriil ayaa u cadeeyay Websetka Warlalis in uu dib
u dhacay
Shirka Ergada ansixinta dastuurka oo lagu waday in uu maanta
ka furmo
magaalada Muqdisho kaasi oo baaqashadiisa uu u sababeeyay
Xoosha
cilado farsamo oo ay ka mid yihiin diiwaan galinta Ergada
oo wali
socota.
C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in dib loo dhigay Shirka
oo uu
furmayo 25-ka bisha oo uu sheegay in aan laga dib dhici doonin
sida
dhowr jeer oo horaba dhacday, waxaana uu intaasi ku daray
in meesha
laga saaray murankii ka dhextaagnaa Odayaasha.
Waa markii 4-aad oo uu dib u dhaco Shirka Ergada ansixinta
dastuurka
oo waqtigiisa ay ahayd 12-ka bishaan sida uu ahaa heshiiska
Saxiixayaasha Roadmap-ka lamana saadaalin karo hadana waxa
dhici doono
25-ka bisha.