Sicir
barar xoogan oo ka taagan magaalada Xudur
Wararka ka imaanaya magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa
sheegaya in
sicir barar xoogan laga dareemayo magaaladaasi kadib markii
Al Shabaab
ay ishortaageen gaadiidka badeecadaha geen jiray magaalada
oo
wadooyinka ay ka xireen.
Mid ka mid ah ganacsatada degmada ayaa u sheegay Warlalis
in hoos u
dhac weyn laga dareemayo ganacsiga magaalada kaasi oo uu sheegay
in ay
u sabab tahay jidgooyinka Al Shabaab.
Gudoomiyaha Xudur Maxed Macalin ayaa dhankiisa sheegay
in arrintaasi
ay saameyn weyn ku yeelatay dadka shacabka ah, waxaana uu
tilmaamay
inay dadaal ugu jiraan sidii ay furi lahaayeen wadooyinka
soo gala
degmada.
Qiimaha raashinka ee magaalada Xudur ayaa la sheegay inuu
sare u kacay
oo laba jibaarmay, waxaana tusaale ahaan kiiladii Sokorta
la iibinayaa
2 dollar halka magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo laga iibiyo
kiiladii 1 dollar.