» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Sideebaa loo isticmaalay lacagihii baasaboorka Soomaaliya (Warbixin)

Qeyb ka mid ah Warbixin uu soo saaray Gudiga dabagalka cunaqabteynta Soomaaliya iyo Eritrea ayaa waxaa lagu sheegay in si qaldan loo isticmaalay lacagihii kasoo xarooday baasaboorka Soomaaliya.

Dowladihii KMG ahaa ee soo maray dalka ayaa mashariicdaasi u xilsaaray labo shirkadood oo kala dambeeyay oo mida hore lagu magacaabo jsl iyo shirkada kale ee lagu magacaabo mti kuwaas oo labadoodaba fadhigoodu yahay magaalada Dubai ee dalka isu taga imaaraadka carabta.

Hadaba baaritaan uu gudigu sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in hal Malyan afar boqol iyo lex kun 725 dolar oo ah daqli laga helay sameynta baasa booradaan cusub iyo kaararka aqoonsiga shirkada mti lala yahay halka la marsiiyay oo aysan soo marin xafiisyada xisaabaadka maaliyadeed ee dowlada intii u dhexeysay 2010 ilaa 2011 sida lagu sheegay qoraalo maaliyadeed oo uu soo diyaariyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud .

Laanta socdaalka waxay sanad maaliyadeedka 2011 oo kaliya soo sheegtay lacago dhan 934 kun oo dolar lkn ma aysan soo dugbin daqliga soo galay intii u dhexeysay 2007 ilaa 2010 .

Gudiga waxaa uu sheegay in musuq maasuqa lagaga faa iidestay mashruucaan ay Shariif Xasan Sheekh Aadan wasiirkii hore ee maaliyada iyo Taliyaha waxda socdaalka iyo jinsiyadaha jen . C/laahi Gaafow maxamuud ay awood u isticmaaleen si ay lacag 4000 .000 kun oo dheeraad ah ugala baxaan Akoonada ay leedahay safaarada Soomalia ee itoobiya lacagtaas oo ah daqli laga helay araajida basaboorada cusub warbixintu waxaa ay sheegeysaa in labadaan mas’uul aysan lacagtaasi u gudbin xafiiska xisaabiyaha guud

Warbixintu waxaa ay sheegtay in shariif Xasan sheekh aadan, gaafow iyo ambassador shiiqay oo ah qunsulka guud ee Dubai ay sadxduba ku abal mariyeen mashruuca basaboorada cusub ganacsade lagu magacaabo shariif axmed baclaawi iyo shirkadissa mti

Saraakiil badan oo ka tirsan dowlada iyo ganacsato fadhigoody yahay dubai oo si dhaw ula socda mashrucaan ayaa gudiga QM u sheegay in 3 mas’uul ay saami ku leeyihiin shirkada mti .

Gudiga QM u qaabilsan lasocoshada cunaqabataynta hubka ee soomalia iyo Eretria ayaa waxa uu sheegay in taliyaha laanta socdaalka dowlada Gaafow uu u xaqiijiyay in safaaradaha soomalia ee dibada ay basaboor kasta ku iibiyaan 100 dollar sida uu sheegay lkn gudigaani waxaa ay warbixintooda ku sheegeen in safaaraduhu ay basaboorada ku iibiyaan inta u dhexeysa 100 dolar ilaa 350 oo dolar xisaabiyaha guudna wuxuu gudiga intii ay baaritaanada wadeen u sheegay in wali uusan xafiiskiisa daqli ka soo galin safaaradaha dibada nidaam la aanta soo saarista basaboorada cusub oo ay la socoto farihii laga qaadi jiray oo la joojiayay ayaa waxaa ay labadaasi arimoodba sharafta kaga dileen basaboorka cusub waxayna ka dhigeen basaboorka sida badeecad suuqa lagu kala iibsanayo lana sii iibiyo laguna kala badasho oo kale ayaa warbixinta gudiga lagu yiri .

Gudigu waxaa uu sheegay in basaboorka lagu soo saaro magacyo been abuur ah iyadoo mararka qaarna ay codsiyada soo gudbiyaan saraakiisha sar sare ee dowlada gudigu waxaa uu helay qof soomali ah oo haysta 2 basaboor oo laba aqoonsi oo kala duwana haysta kiisaska qaarkood ayuu gudigu sheegay in lagu ogaaday in mas’uuliyiinta sar sare ee dowladu ay fara galiyaan xafiisyada laga bixiyo basaboorada si ay ugu cadaadiyaan in ay bixiyaan basabooro diblumaasi ah oo la siiyo dad aan diblumaasiyiin ahayn .

24 kii bishii Marso ee sanadkii hore tilmaam uu bixiyay Sh shariif Sh Axmed ayaa labo basa boor oo diblumaasi ah waxaa lagu gudoonsiiya axmed nuur cali jimcaale iyadoo laga hor imaanayo cunaqabatn uu soo rogay golaha amaanka oo ay ku jirto mamnuucid safar waxaana uu gudigu sheegay in Axmed Nuur uu madax waynaha ula socdaalay dalka turkiga .

Gudigaan waxaa uu sidoo kale sheegay in iyadoo la laaluushayo saraakiisha dowlada aan dad aan soomali ahayn ay helaan basaboorka cusub ee soomalia oo ay ka helaan gudaha dalka iyo dibada .

Gudigu waxaa uu sheegay in qaar ka tirsan Al shabaab ay awood u heli karaan basabooro ay ku safraan taas oo ka dhigan in basaboorku uu dayac yahay ama ay fara galin sameyaan saraakiisha dowlada ee wax musuq maasuqday .

Sarkaal horay uga tirsanaa al shabaab ayaa gudiga u sheegay in afaayeenka al shabaab cali dheer uu haysto ilaa 3 basaboor oo labo ka mid ah ay yihiin diblumaasi midka kalena uu yahay mid gaar ah


 


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden