Xoogagga Nabad ilaalinta
ee Amisom oo Xabsiga u taxaabay Maareeyaha Dekedda Sayid Cali
.

Kolonyo ka tirsan ciidamada Amisom ayaa daqiiqado
kahor waxay howlgal ka fuliyeen gudaha Dekedda Muqdisho, kolonyada
ciidamada Amisom ayaa la sheegayaa inay la socdeen Wasiirka
Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Maareeyaha cusub ee dhowaan loo
soo magacaabay.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Amisom ay
isku gadaameen xafiiska Maareeyaha xilka laga qaaday ee Sayid
Cali, kaddibna waxaa gudaha u galay ilaa toddobo ruux oo ay
ku jiraan Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Maareeyaha
cusub iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Amisom.
Goob joogayaal u waramay shabakadaan ayaa sheegay
in Maareeye Sayid Cali lagu amray inuu soo raaco gaari ay leeyihiin
ciidamada Amisom, iyadoona gaarigii uu watay ay u diideen inuu
raaco, waxayna dhammaantood la sheegay in la geeyay xarunta
madaxtooyada Villa Somalia.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Maareeyihii
xilka laga qaaday ee Sayid Cali lagu xiray xabsi ku yaala xarunta
madaxtooyada Villa Somalia, iyadoona la sheegayo in Madaxweyne
Shariif uu arrinta soo kala dhex galay, isla markaana Sayid
Cali maxkamad lagu soo taago amar diidooyin fara badan oo uu
kula kacay madaxda Dowladda min Ra'iisal Wasaare ilaa Wasiirka
Dekedaha, isagoo waliba u hanjabay Wasiirka dhowr jeer awood
aan meelna jirin ugu hanjabaya.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com