Soomaalida
Ubax malagu aamini karaa (Faallo)
Soomaaliya waxa ay u muuqataa mid majaha kala sii baxeysa
dhooqada dagaalada iyo dowlad laaanta inakstoo ay wali
dariga ku dhacayaan xargaha lagaga jiidayo maadaama aan la
oran karin waa lagu guulaystay in la dhameeyo dagaaladii,
Ururadii, Maamul xumadii dowlad laaantii nasoo daashatay
21 sano ee lasoo dhaafay.
Mar kasta oo aad fiiriso sida ay wax u socdaan gaar ahaan
caasimadii Soomaaliya ee Muqdisho oo bari ahayd Hooyadii Marti
galin jirtay dagaalada iyo khilaafaadka waxaa la oran karaa
dhinaca bulshada waxaa kasoo muuqanaya horumar iyo talaabo
wanaagsan oo mudan in lasii laba jibaaro.
Muqdisho waxaa iminka ka socda dayactir iyo dhismooyin waa
weyn oo la doonayo in looga faaideysto Mustaqbalka,
waxaana sidoo kale madax lasoo kacaya ganacsi casri ah oo
ganacsatada Soomaaliyeed ay ka horgalinayaan magaalada si
taa la mid ah iyadoo laga faaideysanayo nabadda curdunka
ah waxa ay ganacsatada iyaga oo mudan in lagu abaal mariyo
ay dib usoo celiyeen in loo dabaal iyo salxiis tago xeebaha
Jaziira iyo Liido ee magaalada Muqdisho, waxaana tani ay keentay
in qurba joogta ay dib usoo laabtaa markii shaashadaha Tv-da
ay ka arkeen muuqaalada quruxda badan ee xeebaheena inkastoo
kaaf iyo kala dheeri ay tahay mar la is barbar dhigo sida
ay haatan yihiin iyo sidii ay ahaan jireen.
Muuqaalada ay rajada ka muuqato ee Muqdisho ma aha kaliya
ganacsiga, dhismooyinka iyo xeebaha balse waxaa jira qaar
ka mid ah adeegyadii dadka ka wada dhaxeeyay oo uu wax ka
qabtay Maamulka gobolka Banaadir waloow laga yaabo in dadka
qaar ay dhaliilo ka keenaan oo ay jeclaan lahaayeen in shaqada
laga qabtay wadada Maka Al Mukarama mid la mid ah laga qabto
wadooyinka kale ee caasimada, waxaase dadka qalbiga wanaagsan
leh mudan inay soo xasuustaan maahmaahdii ahayd Roma hal maalin
laguma dhisin.
Tan kale waxaa dhawaan wadada Maka Al Mukarama laga taagay
50 Baale oo ifinaya wadada kuwaasi oo aan u baahneen Matoor,
Fiilo iyo Shidaal oo aan ooga faaideysaneyno ileyskooda
habeen qoroxdeena maalmeed, waaana talaabo wanaagsan oo uu
u baahan yahay guud ahaan dalkeena.
Waxaa hadaba arinkaasi ka yimid dhibaatooyin kadib markii
boolashii laga furay mid ka mid Baalayaashaasi sidoo kalana
weerar bambaano lagu qaaday Baalo kale waxaa kaloo looga baqay
in darawalada dhawaan galka ah ay dhinac u tuuraan qodobadaasi
iyo qodobo kale ayaa Maamulka gobolka Banaadir waxa uu u arkay
inay caqabad ku yihiin baalayaasha.
Mushkiladahaasi dhamaantooda waxa ay keeneen in Baalayaashii
lagu wareejiyo darbi korna looga xiro Silig, qof kasta oo
ka yimid dhul nabadeed waa mid uu kaga cabir qaadan karo marka
uu arko sida loo dabray baalayaasha Ifinaya wadada gaaraadka
bulshada Muqdisho iyo sida uu xaalka u cakiran yahay layaabna
ay la noqoneyso marka looga sii sheekeeyo waxa sidaasi loo
yeelay ay tahay in dadkii mugdiga ku jiray 20-kii sano ee
lasoo dhaafay ee loo ifiyay magaalada ay jeclaan lahaayeen
mugdigoodii hore.
Dhinaca kale waxqabadka Muqdisho ma aha 50 Baale oo kaliya
balse waxa ay u baahan tahay Muqdisho in dib loo soo celiyo
bilicdeedii hadii ay ahaan lahayd wado ama dhismo, waxa ay
sidoo kale u baahan tahay in Ubaxyo lagu beero jerdiinooyinkii
lagu nasan jiray iyo waliba in lagu taxo hareeraha wadooyinka.
Hadaba suaasha isweydiinta mudan ayaa waxa ay tahay
hadii baalayaashii u horeeyay ee tijaabada ahaa sida xaalkoodu
yahay maxaa laga yeelayaa dhirtii iyo fiyoorayaashii Muqdisho
lahaan jirtay Soomaalidase Ubax malagu aamini karaa.