Tarsan:
hala doorto hogaan aqoon leh oo wax qaban kara
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxud Axmed Nuur Tarsan
ayaa waxa uu
sheegay in hadii siyaasada soomaaliya ay kusii socoto ay hada
tahay
oo u liidato uu dalka gacanta ka baxayo,waxaana sidaasi awgeed
uu ku
baaqay in lasoo doorto hogaan howlkar oo aqoon leh kuwaasi
awood u leh
in dalka ay dhibaatada ka saaraan.
Maxud Axmed Nuur ayaa waxa uu sheegay in inay Soomaaliya
dilootay
arrimo qabaail taasi oo uu sheegay inay meesha ka saartay
xaquuqda
beelaha kale oo uu sheegay inay mudan yihiin hogaaminta dalka,waxaana
uu ku celiyay in ay wanaagsanaan lahayd in laga gudbo nidaamka
hada
wax lagu qeybsado ee 4.5 lana doorto qofkii wax qaban kara.
Hadlaka Tarsan waxa uu imaanayaa iyadoo musharaxiin badan
ay
tartamayaan xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya kuwaasi oo ay
ka mid
yihiin kuwa haatan haya talada dalka iyo kuwa hada daneynaya
inay
qabtaan hogaanka dalka.