» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Ugaas Xasan Ugaas Maxamad iyo Odayaasha Beesha Galgaduud oo Taageeray Musharaxa Avv C/raxmaan C/shakuur

 

Munaasabad balaaran oo lagu taageerayey musharaxa Avv. C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa lagu qabtay magaalada Guriceel ee Goblka Galgaduud. Munaasabanadan oo lagu qabtay Guriga Ugaas Xasan Ugaas Maxamad Ugaas Nuur ayaa waxaa kasoo qaybgalay Odayaasha dhaqanka Deegaanka oo ay ugu magacadheeryihiin, Nabadoon Jaamaca Bootaan Diini, Nabadoon Cartan Sheekh Doon, Gudoomiyaha dhaqanka Beesha Cayr, Xaashi Maxamad Kulane (Xaashi Dhigif), Nabadoon Maxamuud C/lle Warsame (Rogomeey), Nabadoon Jaamac Cujubeey, Nabadoon Warsame Sabriye Cilmi (Kharafaan), Nabadoon Ciise Maxamad Lugeey, Nabdoon Cali Maxamad Wardheere (Cali Dheeh), Nabadoon Maxamad Cumar Warsame, Ganacsato, Haween, Dhalinyaro iyo xubno metelaya Ahlu Suana Waljamaaca.


Ugaas Xasan oo Munaasabadda furay ayaa sheegay in ay taageersanyihiin Avv C/raxmaan C/shakuur uuna yahay nin aqoon, karti iyo waxqabda leh,isagoo ka wakiil ah deegaanka iyo dadkiisa ay Musharaxa la garab joogaan taageero buuxda oo hill iyo hooba leh.
Nabadoon Cartan Sheekh Doon ayaa isagu dhiniciisa soo dhoweeyey Musharaxa Avv C/raxmaan C/shakuur isagoo sheegay in Musharaxu uu guulaysan doono maadaama dadkiisa iyo deegaankiisaba ay taageersanyihiin, tanina ay tahay bilaw fiican oo rajo iyo yidiidlo leh.


Nabadoon Jaamac Cujubeey ayaa ku dheeraatay taaariikhda Musharaxa isagoo sheegay in markii ugu danbaysay ee kulmaan ay ahayd xili uu musharaxu deegaanka ka hirgeliyey mashaariic, caafiimaad, ceel qodis iyo gargaar bani'aadanimo. Nabadoonka ayaa sheegay in Musharaxu uu kasoo jeedo dad taariikh ku leh deegaankan iyo dadkiisa, isagoo sheegay in ay guul u rajaynayaan.


Nabadoon Jaamac Bootaan oo munaasabada ka hadlay ayaa ku dheeraaday xaalada adag ee maanta Soomaaliya marayso, isagoo sheegay in Musharaxa Avv C/raxmaan C/shakuur uu yahay nin cod kar ah, si wayn uga soo muuqday fagaaraaha siyaasadeed ee Soomaliya, magac iyo maamuusna u soo jiiday.


" Aniga waxaa igu filan in C/raxmaan uu yahay ninkii isagoo Soomaaliya metelaya uu Jaamacada Carabta hogaanka u qabtay, waa arrinka Soomaalida iyo Deegaankaba ay ku faanaan"


Nabadoon Rogomeey ayaa isagu sheegay inkastoo Musharaxu uu kasoo jeedo deegankan, hadana uu ku dhashay gobolka Hiiraan gobolkaasoo ah mid ay hogaamiyayaasha Soomaaliyeed kasoo baxaan. Nabadoonka ayaa ku dheeraaday taariikhda musharaxa iyo xiriirka uu deeganka la leeyahay isagoo guul u rajeeyey.


Munaasabadan oo tii ugu horaysan oo noocoode ah oo lagu qabto gobolka Galgaduud ayaa Barbaarta Gaashaman iyo haween ku labisan dharkii Hidaha iyo dhaqanka kusoo bandhigeen suugaan, buraanbur iyo ciyaaraha hidaha dhaqanka ee kala duwan ayaa gebegebadii waxaa Duco iyo Dardaaran dheer ka jeediyey Ugaas Xasan Ugaas Maxamad iyadoo ku dhamaatay guul iyo rayrayn.





 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden