TV- ga universal oo ku
dhaqaaqay talaabo bahdil ku ah dhamaan saxaafada soomaalida xadgudubna
ku ah xeerka iyo anshaxa warbaahinta.
TV-ga universal oo isku timaamo inuu yahay taleefishin
madax banaan oo ku dhisan hanaanka saxaafada xorta ah ayaa maanta
muujiyay in uu yahay macdar alaabaha lagu iibiyo kaas oo eega
kaliyaha cidii lacag heysata ee wax ka iibsaneysa
Marka si qoto dheer ah loogu dhabogalo hanaanka
uu u shaqeeyao Universal TV waxaa durbadiiba kuu soo baxaysa
inuu yahay mid ka tagay dhaqankii warbaahinta iyo damiirka wariyanimo,
warkii sideedii fiidnimo ee caawa ka baxay TV-ga Universal ayaa
muujinayay afhayeenka odoyaasha dhaqanka Garaad Jaamac oo dowlada
weydiiyey inay uun laba arin ka rabaan inay jawaab ka helaan,
labadaas arimood oo kale ah in odoyaasha Dhaqanka soomaaliyeed
ay yihiin dad goaan leh arinta Soomaaliya taladeeda ay
iyagu leeyihiin sidii ay horaba ugu heshiiyeen Madaxda dawladda
Soomaaliya, iyo in Dawladu doonayso in odoyaashu maxlal u noqdaan
madaxda dawlada oo ay iyagu goaanka gaaraan odoyaashuna
ansixiyaan, arintaas uu garaadku sheegay inay jawaab ka doonayaan
Dawlada si ay goaan u qaataan
Inkastoo warkii 8:00 pm ee fiidnimo uu TV-gu daayey
uu sax ahaa arintuna ay sidaas u dhacday ayaa warkii 10:00Pm
habeenimo isla idaacadaasi waxey meesha ka saartay goaankii
odoyaasha soo jeediyeen iyadoo warkii ka soo qaatay codsi madaxda
dawladu ujeediyeen odoyaasha dhaqanka kaas oo ahaa in ay soo
gudbiyaan xubnihii ansixin lahaa Dastuurka lagu muransan yahay
iyo inay siminaar loo qabanayo ka qeyb qaataan, Jawaabtii warka
xukuumadda oo aan kor kusoo sheegnay oo TV-ga 8:00 pm fiidnimana
laga siidaayey ayaa laga saaray warkii 10:00 pm fiidnimo arintaas
oo muujisay sida TV-gu uga beyray madax banaanidii saxaafadda.
Marka laga hadlayo xeerka saxaafada tani waa gafweyn
iyo meel kadhac qaawan iyadoo waxa arintan ku xanbaaray Universal
TV-na ay tahay mid iska cad waayo waxa ay lacag badan ku qaateen
arimaha Road Mab-ka iyo Dastuurka, joojinta baahinta goaanka
odoyaasha dhaqanka ayaa muujinaysa in amar ay siiyeen TV-ga
Universal madaxda TV-ga oo canaan uga timid qolooyinka lacagaha
kusiiya Mashruuca road mabka
In laguu yeeriyo warka waxii saxda ahaana lagaa
reebo ma ahan warbaahin ee waxaa u haboon maamulka Universal
in aanay sumcada saxaafada ku ciyaarin oo ay furtaan Studio
heesaha aroosyada iyo xafladaha gaarka lagu qabto si ay lacag
uga sameeyaan.
Goaanka maanta ay odoyaasha dhaqanka u jeediyeen
madaxda dawladda, madaxda dawladuna sheegtay inay Jawaab ka
siinayo odoyaasha dhaqanka ayaa laga sii daayey dhamaan TV-yada
kale oo ku jiro TV-ga Qaranka soomaaliyeed.
odoyaasha dhaqanka soomaaliyeed ayaa laga yaabaa inay go'aan
ka qaataan siinta wararka maadaama TV-gu noqday mid ka beyray
dhexdhexaadnimada iskuna dayaya in uu bqariyo warar ay baahinayaan
dhamaan TV-yada kale eee ku hadla afka Soomaaliga
Xaafiiska Wararka Warlalis.com