Osama oo ka hor inta uusan
geeriyoon u digay Shabaab
Mareykanka ayaa sheegay in Osama Bin Laden uu kula taliyay
Al Shabaab ka hor inta uusan geeriyoon in ay cadaadis ka dayaan
shacabka Soomaaliyeed.
(Dukumiinti Maraykanku soo bandhigay)
Sida qoran dukumenti ka kooban 17 bog oo lagu
daabacay bogg internet oo ay leeyihiin ciidamada military,ga
wadanka Maraykanka qeybta la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada
ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan CTC hogaamiyihii
ururka Al-Qacida ee sanadkii hore lagu dilay magaalo ku taala
wadanka Pakistan Sh, Osama Bin Laden ayaa u jeediyay hogaanka
Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta inay shacabka
Soomaaliyeed u jiheeyeen nidaam ay ku heli karaan dawlad wanaagsan
oo ay iyagu dooranayaan.
Dukumiintigaan oo dawlada Maraykanku sheegtay
inay ka heshay gurigii uu magaalada Abotobad ee dalka Pakistan
waxay si gaar ah ugu soccotay hogaamiyaha Xarakadda Al-Shabab
Axmed Cabdi Aw-Maxud Godane loona yaqaan Sh, Mukhtar Abu
Zubery waxaa uu Osama Bin Laden ku sheegay in ummadda Soomaaliyeed
ay u baahan hanaan dawlad wanaag ah oo aysan ku jirin wax cabsi
ama cadaadis ah taasoo keeneysa in dadku ay jeclaadaan diinta
Islamka waxaana uu uga digayaa hogaanka Al-Shabab inay dadka
ka dhaafaan falalka argagixinta ah oo ay ka mid ka dhex dagaalamida
u hanjabida iyo waxyaabaha soo raaca.
Dukumintiigaan loo soo diray Amiirka Xarakadda
Al-Shabab oo ku taariikhaysan 7, da bisha August ee sanada 2010
waxaa uu ku waaniyay hogaanka Al-Shabab inay ka taanusaal qalafsanaan
adag ee ay u adeegsadaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool goobaha
ay xilligaasi ka taliyaan
Waa inaad dadka kula dhaqantaan si dabacsan
oo soo jiidasho leh kana fog in dadku idinka cararo waana inaad
dadka u madax banaaneysaa helida dawlad wanaagsan iyo wadaniyada
ayay Maraykanku sheegeen inay ku qorneyd warqadaasi laga helay
gurigii uu Osama ka daganaa wadanka Pakistan waxaana warku intaa
ku darayaa inaan loo baahneyn inaan lagu dhawaaqin dawlad Islaami
ah oo dadka lagu qasbo taasoo keeni karta inay ka caroodaan
cadawga keenta in Shababka lala dagaalamo.
Sidoo kale Osama Bin Laden ayaa kala taliyay Al-Shabab
inay joojiyaan falalka ay ka mid yihiin in dadka la weydiisto
xoolaha nool ee ay dhaqdaan iyo in qasbo inay dagaalada ka qeyb
qaataan dagaalad ay kula jiraan Ciidamada dawlada iyo kuwa midawga
Africa ee AMISOM taasoo keeneys ayaa lagu dukumiinta in dadku
ka guuraan deegaanada ay ka jiraan m/mulada Al-Shabab
Waa in dadka lagula dhaqmaa nidaamyo ay
ka mid yihiin cafin, daryeelid iyo soo dhaweyn ayaa sidoo
kale ku qoran dukumiintigaan waxaana Abuu Zubeyr loo jeediyay
inuu qaato tilaabooyin kasta oo keeni kara in dadku dawlad helaan.
Nin aqoonyahan ah oo ku taqasusay arrimaha Al-Qacida
oo lagu magacaabo Christopher Anzalone barena ka ah jaamacadda
McGill oo Canada ku taala ayaa u sheega bogga warbixintaan qoray
in Osama Bin Laden uga gol lahaa inuu Shababka ku dhiiro galiyo
inay shacabka soo jiitaan.
Al-Shabab oo bilawgii sanadkaan ku dhawaaqay inay
Al-Qacida la midoobeen waxaa lagu eedeeyaa inay xukun adag kula
dhaqmaan dadka ku nool goobaha ay ka taliyaan ee Soomaaliya
ku yaala.
Ururka Al-Qacida si buuxda ayuu u taageeraa Xarakadda
Al-Shabab sida uu xaqiijiyay hogaamiyaha xilligaan ee Al-Qacida
Dr Ayman Al-Zawaahiri waxaana la sheegaa in dagaalyahano Al-Qacida
ka tirsan oo aan Soomaali aheyn ay ka bar bar dagaalamaan kuwa
Al-Shabab
Gobolo badan oo Shababku ka talinayeen markii
uu Osama Bin Laden noolaa ayaa hadda ka maqan gacantooda waxaana
ka talisa dawlada KMG waxaana Shababka hadda ku furan furimo
dagaal oo badankood ay ku leeyihiin wadamada dariska la ah Soomaaliya
Xaafiiska Wararka Warlalis.com