Wafulu:
waan qabqabaneynaa qaswadayaasha lidiga ku ah amaanka
Isaga oo la hadlayay Saxaafadda Ku xigeena Ergayga Midowga
Afrika u
qaabilsan Soomaaliya Wafulu Wamunyiyi ayaa waxaa uu balan
qaaday in ay
sugayaan amaanka goobaha shirka ansixinta dastuurka lagu qabanaayo
waxaana uu intaas ku daray in ay diyaariyeen ciidankii ay
ugu
talagaleen in ay sugaan amaanka goobaha shirarka lagu wado
in ay ka
furmaan oo uu ugu horeeyo sida uu sheegay shirka maanta lagu
soo
gudbinaayo Ergadii ansixin laheyd dastuurka Cusub.
Wafulu Wamunyiyi aya sheegay in ay ka war hayaan dadka qaska
wada oo
ay howlaha dowlada ka socon ladahay waxaana uu dadkaas
ugu baaqay in
ay joojiyaaan qaska ay wadaan hadii ay dhaafi wayaana ay soo
qabqaban
doonaan oo ay shacabka u soo bandhigi doonaan
Odayaasha ayaa maanta waxaa looga fadhiyaa in ay soo gudbiyaan
ergadii
ansixin laheyd Dasyuurka iyadoo berito lagu wado in uu frurmo
shirkii
lagu ansixin lahaa dastiuurka cusub ee uu dalka yeelanaayo
Eedeysane Shariif Xasan oo isasoo sharaxay
Shariif Xassan Shiikh Aadan oo aan wax xil ah u heyn dowladda
maadaama la laalay awoodiisa oo ayaa waxa uu sheegay in waxba
kama
jiraan ay tahay lacagaha lagu eedeeyay in ay lunsadeen Madaxda
dowlada
Somalia oo uu isaga ka mid yahay .
Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa dhinaca kale waraysi uu siiyay
VOA-da ku sheegay in uu iminka ka mid yahay Musharaxiinta
dooneysa in
ay u tartamaan xilka madaxtinimo ee dalka oo uu sheegay in
uu ku rajo
weyn yahay in uu ku guulaysto.
Shariif Xassan ayaa waxa ay warbixin kasoo baxday xafiiska
gudiga
lasocodka xeyraadaha lasaaray Somalia lagu sheegay in uu lunsaday
lacago fara badan oo maaliiyiin doolar ah.
Shariif Xasan isagoo lagu eedeenayo in uu lunsaday lacago
fara badan
ayaa hadana waxa uu doonayaa in shacabka Somaliyeed uu u noqdo
hogaankii ugu sareeyay waxa uuna horay xildhibaanada ku eedeeyeen
in
uu gudan waayay xilka gudoonka baarlamaanka