Walaac laga qabo qaraxyo
mar kale ka dhaca Kenya oo sii kordhaya
Xili dhawaan weeraro qaraxyo ah lagu qaaday Kaniisado
ku yaalla magaalada Gaarisa ee dalka Kenya ayaa Masiixiyiinta
dalkaasi waxa ay walaac ka muujiyeen weeraro mar kale ka dhaca
kaniisadaha dalka, waxaana sidaasi awgeed ay ugu baaqeen dowladda
inay xaqiijiso amaanka.
Baaqa Masiixiyiintaani ayaa yimid todobaad ka
hor markii ay weeraro ka dhaceen Kaniisado ku yaalla magaalada
Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya kuwaasi oo
ay ku dhinteen dad gaaraya illaa 17-qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Cabsida ay muujinayaan Masaxiyiinta dalka Kenya
ma aha mid iyaga kaliya ku kooban balse waxaa jirta cabsi laga
muujinayo maagalooyinka Mombasa iyo kuwa kale ee hoostaga gobolka
Soomaalida ay dagto ee Waaqoyi Bari kaas oo dhaca xadka dalka
Kenya uu la wadaago Soomaaliya.
Kenya ayaa waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo weeraro
qorsheysan tan iyo bishii October ee sanadki hore markaas oo
ciidamadeeda ay usoo tallaabeen Gobolada dhaca xadka ay la wadaagto
Soomaaliya.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com