Walaweyn
oo lala wareegay
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ka dhaqaaqay shalay
galab
degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay fariisimo
ka
samaysteen duleedka degmada Walaweyn halkaasi oo ay isaga
baxeen Al
Shabaab.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegaya inay gacanta ku dhigeen
degmada
Walaweyn iyo sidoo kale deegaanka Warmaxan oo ka wada tirsan
gobolka,
iyaga oo aan la kulmin wax iska caabin ah.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in ciidamada aysan wali
gudaha u
galin degmada balse ay ku hareereesan yihiin, iyadoo Amaanduulaha
ciidamada Milatariga oo hadlay uu sheegay in maanta ay qabanayaan
degmada.
Lama oga halka ay qabteen Saraakiishi iyo ciidamadii Kooxda
Shabaab ee
isaga baxay degmada Walaweyn hase ahaatee warar ayaa sheegaya
in ay u
baxsadeen wadooyinka kala aada Bay iyo Sh/dhexe.
Xaaladda ayaa saaka waxa ay tahay mid dagan , iyadoo dad
deegaankana
aysan jirin wax barakac ah oo ay sameynayaan hase ahaatee
waxa ay
muujinayaan dareen ah waxa dhici doona.