Wararkii
u dambeeyay dagaalo culus oo ka dhacay Jubada hoose
Wararka ka imaanaya deegaanada Miido iyo Harboole ayaa waxa
ay sheegayaan in dagaal uu halkaasi ku dhexmaray ciidamada
Isgarabsanaya ee dowladda, Raaskambooni iyo Kenya iyo sidoo
kale Al Shabaab oo dhinac ah.
Dagaalka oo yimid markii Dagaalyahaano ka mid ah Shabaab
ay wadada u galeen ciidamada oo kusii jeeday deegaano kale
oo ku dhow Kismaayo ayaa waxa uu sababay dhimashada 10 ruux
iyo dhaawac in ka badan oo ah dhinacyadii dagaalamay.
Maxed Yuusuf oo ka mid ah Masuuliyiinta Ururka
Raaskambooni ayaa waxa uu sheegay in dagaalkaasi ay Al Shabaab
kaga dileen 8 ruux in ka badana ay kaga dhaawaceen, isaga
oo dhankooda sheegay inuu ka dhintay hal ruux labo kalana
ay ka dhaawacmeen sidoo kale Al Shabaab waxa uu sheegay inay
hub ka qabsadeen.
War kasoo baxay AL Shabaab ayaa iyana waxa ay ku sheegeen
in dagaalkii shalay galab ka dhacay Miido iyo Harboole ay
qasaaro xoog leh ku gaarsiiyeen ciidamada Huwanta ah inkastoo
aysan carabaabin qasaarahaasi inta uu dhan yahay.
Saaka ayaa xaaladu waxa ay tahay mid ka dagan sidii hore
inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inay jiraan dhaqdhaqaaqyo
ciidan oo u dhaxeeya dhinacyada dagaalamaya.