Waxgarad
iyo Aqoonyahaan dhaleeceeyay Madaxweyne Faroole
Kadib markii Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh
Maxed Faroole uu sheegay in dastuurka Soomaaliya uu
diyaariyay Maamulkooda ayaa qaar ka mid ah Waxgaradka iyo
Aqoonyanada Soomaaliyeed waxa ay si aad ah u dhaleeceeyeen
hadalka Faroole.
C/kariin Macalin Xasan oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed
ayaa waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay hadalkii
Faroole, iyadoo Maamulka Puntland uu sheegay inay ka mid tahay
dowladd KMG xaqna aysan u laheyn inay ku hadasho wax ka baxsan
aqlaaqda suuban.
Sidoo kale Cali Xaashi Cabdi oo ka mid ah aqoonyahanada Muqdisho
ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Faroole had iyo jeer uu
ku hadlo hadalo laga fiican yahay oo aan laga fiirsan, waxaana
uu isweydiiyay halka awoodaani ay ka keentay Puntland iyo
in ay raali uga tahay dowladda, isaga oo sheegay in Raiisul
wasaaraha looga fadhiyo in uu ka jawaabo.
Puntland ayaa dhawaan sidoo kale waxa ay sidoo kale shaki
galisay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo sheegtay
in hada kadib laga gorgortamayo caasimada Soomaaliya halka
ay noqoneyso.