Weerar qasaaro gaystay
oo ka dhacay Camaara iyo xiisad halkaasi ka taagan
Maleeshiyaad hubaysan ayaa maanta weerar qasaaro sababay waxa
ay ka gaysteen deegaanka Camaara ee koofurta gobolka Mudug kaasi
oo keenay xiisad dagaal ay ka ooganto deegaakaasi.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah
maleeshiyaad hubeysan oo aan la aqoon cida ay ka amar qaataan
ayaa waxa ay maanta weerar ku qaadeen dad reer guuraa ah oo
ku sugan deegaanka Camaara ee Koofurta gobolka Mudug.
Rasaas ay maleeshiyaadkaasi ku fureen dadkaasi
reer guuraaga ah ayaa waxa ay sababtay geerida 3 ruux oo rayid
ah iyo dhaawaca qaar kale, iyadoo kooxihii falka gaystay ay
wararku sheegayaan inay baxsadeen.
Arrintaasi ayaa hada dad deegaanka ah waxa ay
kusoo waramayaan in ay keentay xiisad dagaal oo ka taagan deegaanada
Camaara iyo Bacadweyne ee gobolka Mudug taasi oo u dhaxeysa
beelo wada daga labada deegaan.
Marar badan ayaa waxaa ka dhacay deegaanada Camaara
iyo Bacadweyne dagaal beeleedyo soo laalaabtay oo sababay qasaaro
dhimasho iyo dhaawac.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com