Xaaladda
dadkii uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabelle
Waxaa soo yara reyneysa xaaladda dadkii uu saameeyay
fatahaada Wabiga
Shabelle ee magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,
iyadoo
walina ay dadka kaalmo
u baahan yihiin sida aan kasoo xignay Maamulka
dowladda ee gobolka.
Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Maxamuud Nuur Cagajoof
ayaa
sheegay in xaaladda nololeed ee dadkii ku barakacay fatahaadda
Wabiga
ay soo hagaageyso inkastoo wali ay gargaar kub filan aysan
helin.
Cagajoof Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku
daray in
gurmadka hadda socda uusan dabooli Karin baahida dadkaasi,
wuxuuna ka
dalbaday heyadaha samafalka in ay la soo gaaraan gurmad
ka ballaaran
kan iminka socda.
Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in maamulka gobolku uu
dadaal badan
ku bixinayo sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka dadka barakacayaasha
ah
iyo si aysan dhibaato uga dhalan qeybinta gargaarka la gaarsiiyo
dadkaasi.
Fatahaadii Wabiga Shabelle ee magaalada Baledweyne ayaa waxa
uu
galaaftay nolosha ku dhawaad 100 ruux oo ku geeriyooday, iyadoo
intii
geerida ka badbaadayna ay ku dhibaataysan yihiin iyaga oo
aan waxba
haysan duleedyada magaalada.\