Xaaska
nin Faransiis ah oo ay haystaan Shabaab oo fariin soo dirtay
Fariin meelo taaban taabaneyso ayaa waxaa soo dirtay xaaska
nin
Faransiis ah oo ay gacanta ku hayaan Xarakada ` Al Shabaab.
Xaaska nin faransiis ah oo ay haystaan Xarakada Al Shabaab
ayaa
fariin nuqul ka mid ah ay soo gaartay Idaacadda Kulmiye waxa
ay u
dirtay seygeeda taasi oo ay ka hadlayso xaaladeeda iyo codsi
ay u
jeedisay Xarakada Al Shabaab.
Hadii aad I maqlaysid waa xaaskaaga, waxaana rajeynayaa
inaad I
maqli doontid meel kasta oo Soomaaliya aad ka joogto, xaalkeena
wuu
wanaagsan yahay , caruurta moralkooda wuu dhisan yahay, wey
caafimaad
qabaan iskuulkana wey aadaan mar waliba adiga ayey ikaa
weydiiyaansidaasi ayey tiri xaaska ninka faransiiska
ee uu haysto
Xarakada Al Shabaab.
Sidoo kale haweeneyda waxa ay tiri waan kula jirnaa
kaama quusan
waadna ogtahay in aan quusaneynin, waxaan rajeyneynaa inaad
noo imaan
doonto oo dhibaatada aad ka bixi doonto kuwa ku haystana waxaan
ka
codsanayaa inay kusii daayaan
Ninkaani faransiiska ah ayaa sanadkii 2009-ka waxaa laga afduubtay
Hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana goor sii horeysay
uu
Faransiiska shaaciyay in uu nool yahay ninkaasi inkastoo warar
kale oo
aan la xaqiijina ay sheegayaan in la muslimiyay ninkaani oo
hada uu ka
mid yahay Saraakiisha Xarakada Al Shabaab.