Xaflad weyn oo lagu xusayay
1 Luuliyo oo ka dhacday Villa Somalia.
Munaasabadaani loogu dabaal dagayay 52 sano guuradii
kasoo wareegatay markii gobolada Koofureed ee Soomaaliya ay
ka xuroobeen gumaystihii Talyaaniga ayna midoobeen Waqooyiga
iyo Koofurta dalka ayaa waxa ay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada
Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.
Madax ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay Madaxweynaha
iyo qeybo kale oo ka mid ah bulshada sida raga, haweenka oo
leh Odayaal iyo dhalinyaro, fanaaniinta kooxaha Waabari iyo
Danan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo sugayay amaanka
ayaa goobjoog ka ahaa Xafladda oo loo soo agaasimay si heer
sare ah.
Saacadu marka ay soo gaartay 12-ka habeenimo ee
saqda dhexe ayaa waxaa Calanka Soomaaliya laga suray fagaare
ku yaalla bartamaha Madaxtooyada, iyadoo dadka ay ku jireen
safaf dhaadheer.
Calan saarka kadib ayaa waxa ay soo bandhigeen
fanaaniinta heeso aan laheyn caajis iyo daal oo qiira galiyay
dadka kuwaasi oo fadhiga ka kiciyay Madaxda iyo shacabka oo
ciyaaro lala dhacay goobta kusoo bandhigay.
Yusra Jaamac Shaacuur oo ah haweeney 82 jir ah
oo ka mid ahayd Ururkii SYL ee usoo halgamay Xornimada ayaa
waxa ay sheegtay in hadii aysan midoobin Soomaalida oo aysan
wada qaadan hal Calan in mar kale loo gacan galayo gumaystaha
oo cagta la marin doono Soomaalida.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay
gabagabadii munaasabada ayaa waxa uu sheegay in halgan badan
loo soo maray xornimada ugu dambeyntiina la guulaysto, waxaana
sidaasi si la mid ah uu sheegay in loo baahan yahay in laga
gudbo khilaafka oo la midoobo si loo gaaro dowladnimo iyo midnimo.
Munaasabada 1 Luuliyo ee lagu qabtay Madaxtooyada
ayaa waxa ay kusoo gabagabowday jawi heer sare ah, iyadoo lagu
kala tagay saacadu marka ay ahayd 3:00 habeenimo
Xaafiiska Wararka Warlalis.com