Xaaladda
Saado Cali Warsame oo soo hagaageysa
Gudoomiyaha magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal C/casiis
Cilmi nuur oo
la hadlay Warlalis ayaa waxa uu sheegay in ay soo hagaageyso
xaaladda
fanaanada caanka ah ee Saado Cali Warsame taasi oo ku dhaawacantay
Shil gaari oo ka dhacay magaalada Garoowe, waxaana uu sheegay
Gudoomiyaha in ay soo kabsaneyso Fanaanada hadana ay hadli
karto,
isaga oo sheegay in caafimaadka Saado uu dadaal ku bixiyay
Maamulka
Puntland.
C/casiis Cilmi nuur ayaa waxa uu dhinaca kale sheegay in ay
qorsheynayaan inay dayactiraan wadooyinka soo gala magaalada
Garoowe
si looga hortago Shilalka gaari, waxaana uu uga digay gaadiidleyda
in
gaariga ay u wadaan si xowli ah.
Saado Cali Warsame oo Shil gaari gashay xili ay ka timid magaalada
Gaalkacyo kuna sii jeeday magaalada Garoowe ayaa waxa ay ka
jabtay
gacanta midig iyadoo sidoo kale ka dhaawacanta qeybta kore
ee jirka
gaar ahaan surka.