Xiisado dagaal oo ka taagan
Gedo
Xiisado dagaal iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya
dowladda iyo Al Shabaab ayaa laga dareemayaa magaalada Garbahaareey
ee gobolka Gedo.
Xiisadahaani u dhaxeeya dowladda iyo Al Shabaab
ayaa waxa ay ka dambeeyeen kadib markii ciidamo ka tirsan Al
Shabaab ay soo buuxdhaafiyeen duleedka magaalada Garbahaareey
ee gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayso dowladda.
Al Shabaab ayaa la sheegay in ay diideen oo is
hortaageen in gaadiidka ay galaan magaalada Garbahaareey islamarkaana
ay ka baxaan taasina oo saameyn ku yeelatay isku socodka dadka
ka bixi jiray magaalada iyo kuwa soo gali jiray.
Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay
dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan gudaha magaalada oo ay ku doonayaan
in Al Shabaab ay ka saaraan duleedka magaalada halka Al Shabaab
ay magaalada ku hareeraha kaga sugan yihiin oo dhankooda ay
dhaqdhaqaaq wadaan taasi oo keeni karta dagaal labada dhinac
dhexmara.
Al Shabaab ayaa wali ku dambeeya deegaano ka tirsan
gobolka Gedo, waxaana mudooyinkii u dambeeyay weerar ku qaadayeen
magaalada Garbahaareey oo doonayaan in ay mar kale la wareegaan.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com