Xildhibaanadii
la diidanaa oo la aqbalay magacyadooda
Sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Gudigii uu baarlamaanka Federaalka
Soomalia usaaray in ay xal ka soo gaaraan Xubnihii ay doodu
ka taagneed Ee loo diiday in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka
Mudane Faarax Nuur Jaamac la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa
waxaa uu si cad u sheegay in ay Go.aan ka Gaareen Xubnahaasi
ayna Go.aamiyeen in ay ka mid Noqdaan Baarlamaanka Soomalia
isla markaana ka qayb qaataan doorashada Madaxwaynaha Ee lagu
wado in Maalinta bari ah lagu qabto Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Faarax Nuur Nuur sheegay in markii ay sameeyeen
daraasad dheer oo ay ku ogaanayaan in dadkaan ay galeen dabiyada
uu ku soo Eedeeyay Gudigii Farsamada soo xulista Barlamaanka
ay usoo baxday in dadkaan aysan ahayn dad galay dambiyada
la sheegay ayna ku raaceen Maxkamada Sare Ee Dalka Go.aankii
ay gaartay ee ahaa in ay ka mid Noqdaan Baarlamaanka .
Xubnahaan uu Muranku ka jiray ayaa waxaa ay gaarayeen ilaa
16 Xubnood oo isugu Jira Hugaaamiye kooxeed iyo Dad kale kuwaas
oo uu diiday in ay ka mid Noqdaan Baarlamaanka Soomalia Gudigii
soo Xulista Baarlamaanka waxaana ay Muran xoog leh ka dhex
dhalisay M/wayne Shariif Sheikh Axmed iyo Gudigaas .
Magacyada Xubnahaan ayaa waxaa ay kala yihiin Sida Tan..
1.Maxamed Qanyare Afrax
2.bootaan Ciise Caalin
3.Cumer Maxamuud Maxamed Finish
4. Aadan Maxamed Nuur Aadan Madobe
5.Maxamed Ibraahim Xaabsade
6.Cabdi Casiis Sheikh Yuusuf
7.Cabdi raxmaan Xaaji Aadan Ibi
8. Axmed Ducaale Geele Xaaf
9.Xirsi Aadan Rooble
10.Cabdi Qaadir Xaaji Maxamed Yuusuf
11.Maxamed Farax Jimcaale
12.Aadan Maxamed Nuur Aadan Saran soor
13.Maxamed Xuseen Isaaaq Afaraale
14.Maxamed Xuseen Nuur Xagaafe
15.C/laahi Sheikh Ismaaciil