Maxaa
ka jira in Xildhibaan Gaas la amray
Warar hoose oo uu helay Warlalis ayaa waxa ay sheegayaan
in Gudoomiyaha gobolka Barri amar lagu siiyay in Xildhibaan
Cabdi wali Maxed Cali Gaas uu ka baxo deegaanada Puntland
oo hada uu booqasho uu ku marayo.
Warqad lagu bixiyay amarkaasi ayaa waxaa la sheegayaa inay
ka timid dhinaca Madaxtooyada Puntland balse Xildhibaan Cabdi
wali Gaas ayaa ku gacan saaray arintaasi isaga oo sheegay
in aysan jirin cid ka xigta deegaanada Puntland.
Masuuliyiinta Puntland gaar ahaan kuwa Madaxtooyada
oo jiritaanka warkaani aan wax ka weydiinay wey ka gaabsadeen
inay ka hadlaan arintaasi hase ahaatee waxa ay si hoose ugu
sheegeen Warlalis in aysan bixin amarka la sheegayo.
Madaxda haatan haysa Talada Puntland ayaa waxa ay arkaan
Cabdi Wali Maxed Cali Gaas in uu taageero ku leeyahay
deegaanada Maamulka suurta galna ay tahay in uu hanto Talada
Puntland hadii uu ku biiro loolanka.