Xukuumadda oo sheegtay
in aan shaki la galin Karin ka gudbida xiliga KMG ah
Iyadoo shaki la galinayo in dowladda KMG waqtiga
u harsan ay kaga gudbi karto KMG ayaa Wasiirka dastuurka iyo
arimaha federalka C/raxmaan Xoosh Jabriil oo la hadalay warbaahinta
waxa uu sheegay in ka bixitaanka KMG aysan dhaafi doonin bisha
August islamarkaana ay muhiim tahay in dowladda rasmi ah la
helo.
C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa Dhanka kale sheegay in uu jiro
qilaaf u dhaxeeya saxiixayaasha Roadmap-ka iyo Odoyaasha dhaqanka
taasina ay sabab u tahay geedi socodka howlaha dowlada sida
ugu dhaqsiyaha badana lagu xalinayo.
Odayaasha dhaqanka iyo dowladda ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf
xooggan kaasi oo keeni kara hadii aan la xalin in waqtiga dhiman
oo aad u yar aan looga gudbin xiliga KMG ah.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com